HomeWararBoliska Sweden oo baaritaan ku haya Wiil Somali ah oo dilay Haweeney...

Boliska Sweden oo baaritaan ku haya Wiil Somali ah oo dilay Haweeney ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Boliska dalka Sweden waxay xireen, oo ay su’aalo weydiinayaan Wiil Somali oo da’diisa lagu qiyaasay 14 jir ilaa 17 jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Tooreey ku dooxay haweeney ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka oo la oran jirey Alexandra Mezhar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan.

Boliska waxay tilmaameen inuu Wiilka Soomaaliga uu abaarihii 7:45 daqiiqo ee Subaxnimaddii Isniinta la soo dhaafay uu tooreey Dhabarka iyo Bowdada kaga dhuftay  Alexandra Mezher oo 22-jir ahayd, taasi oo ugu dambeyntii ku geeriyootay Isbitaalka.

- Advertisement -

Wiilka Soomaaliga ayaa la sheegay inuu deggan yihiin Deegaanka Mölndal, oo ku taalla duleedka  magaalladda Gothenburg ee Xeebta Galbeed ee dalka Sweden, waxaana Degmadda Molndal qaxooti ahaan loogu qaabilay  in ka badan 4,000 oo Carruur Qaxooti ah oo aan wax Waalid ah la soconin.

Haweeneyda la dilay oo ku takhasusutay Cilmi Nafsiga (Psychology) waxay Waalidkeeda ka soo qaxeen dalka Lubnaan muddo haatan laga joogo in ka badan 25-sanno.

Waxay haatan iyada iyo Hooyadeeda iyo Walaalaheeda ka yar wada deganaayeen Degmadda Borås oo ku-dhawaad 40 miles u jirta Degmadda Molndal oo ah halkii ugu dambaysay ee iyada lagu dilay.

- Advertisement -

Hooyadda dhashay Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Chimene Mezhar ayaa sheegtay inay ka naxday dilka gabadheeda oo ahayd Shaqaale Gargaar oo caawimi jirtey in ka badan 4,000 oo Carruur Qaxootiyaaal aan Waalidkooda la soconin iyo Dhallinyaradda Qaxootiga ee ku nool Degmadda Molndal

Chimene Mezhar oo 42 jir ayaa sheegtay inay Lubnaan uga soo carareen Dagaal Sokeeye iyo Khatar oo ay yimaadeen Sweden oo ah meel Nabadoon, waxayna carrabka ku dhuftay inaysan Sweden haatan ka jirin Nabad dheeri ah.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Sweden, Stefan Lofven ayaa ballan-qaaday in Ciiddan Bolis oo dheeraad ah la geyn doono Xarumaha lagu hayo Qaxootiga.

Tobias Hellstrom oo ah Wakiilka Xisbiga Sweden Democrats ee ka soo horjeeda Qaxootiga ku sugan Degmadda Molndal ayaa sheegay inuu dilkaasi muujinayo Khatarta ay ka digi jireen oo haatan dhacday.

Alexandra Mezhar 0009

boliska sweden Alexandra Mezher,000

Alexandra Mezher,03 Sweden's Prime Minister in Mölndal Alexandra Mezher4

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan       

 

Latest stories