HomeWararAlshabaab oo Saraakiil Kenyan dilay, kuwa kalena qafaashay

Alshabaab oo Saraakiil Kenyan dilay, kuwa kalena qafaashay

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

7 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay Deegaanka Kiyunga ee Dgmadda Lamu, iyadoo Dhowr Sarkaal kalena la la’ yahay, lagana cabsi qabo inay Alshabaab u gacan galeen.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay inay Saraakiisha la dilay iyo kuwa la la’ yahay ay ka ambabaxeen Deegaanka Hindi kuna sii jeedeen Deegaanka Kiyuunga, markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay 15 Sarkaal la socdeen gaariga la qarxiyey, kuwaasi oo loogu talagalay inay xaqiijiyaan Ammaanka Degnmadda Lamu iyo Saldhigyadda Boliska ee ku yaalla Deegaankaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star ayaa qoray in Saraakiisha ku geeriyootay qaraxaasi ahaayeen Saraakiil dhigayey dibadbax cabasho ku aadan Lacagaha Gunooyinkooda oo aad uga soo daahay.

KDF LAMU

©Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories