HomeWararXaamilo la filayo inay dhasho Mataanayaal Shan ah (quintuplets)

Xaamilo la filayo inay dhasho Mataanayaal Shan ah (quintuplets)

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Kim Tucci waa 26 jir u dhalatay dalka Australia, kuna nool magaalladda Perth, waxayna Dhakhaatiirtu u sheegeen inay leedahay Uur ay ku jiraan 5 ilmo oo mataano ah (quintuplets). Haweeneydaasi oo leh uur 29 isbuuc ah ayaa ka sheekeysay inay inay noqotay Cunaaye oo ay maalintii wax cunto qiyaastii cuntadda uu qofka caadiga cuni karo […]

- Advertisement -

Kim Tucci waa 26 jir u dhalatay dalka Australia, kuna nool magaalladda Perth, waxayna Dhakhaatiirtu u sheegeen inay leedahay Uur ay ku jiraan 5 ilmo oo mataano ah (quintuplets).

Haweeneydaasi oo leh uur 29 isbuuc ah ayaa ka sheekeysay inay inay noqotay Cunaaye oo ay maalintii wax cunto qiyaastii cuntadda uu qofka caadiga cuni karo maalintii oo dhan.

- Advertisement -

Maamadan ayaa laga rabaa inay maalintii isticmaalo Cuntooyin ay Tamar ka hesho, Isla markaana ay biyo badan qurquriso.

Waxay sheegtay in habeenkii 12 jeer gasho Suuliga qeybta lagu qubeysto (Bathroom).

Waxay Taariikhda Dhacdooyinka Maamlmeed si joogto ah u soo dhigta Websayt (Blog) ay leedahay oo lagu magacaabo Surprised With Five.

- Advertisement -

Kim Tucci oo horey u dhashay labo carruur oo gabdho ah, waxaa Blog-eeda u soo daawasho tagay in ka badan 123,000 qof oo badankooda ah Haween, kuwaasi oo iyada la wadaago Dhacdooyinkooda Shaqsiyadeed.

Kim Tucci waxay la yaabtay, markii uu Dhakhtarkeeda bishii July ee sannadkii hore u sheegay baaritaan kadib inuu maqlay garaacid wadno oo shan jeer kala duwan.

Dhakhtarka waxa uu tilmaamay inay 4 gabdhood iyo hal wiil yihiin ilmaha Mataanaha ee Uurkeeda isku dhex ciriirinayo.

Dhinaca kale, Ninka qaba Xaaskaasi oo sannadkan filanayey in loo dhali doono cunugiisa 3-aad ayaa haatan ku faraxsan inay u dhalan doonaan 5 carruur oo mataano ah.

Tiradda Guud ee Carruurtiiisa ayaa noqon doonto 7 carruur (Hal wiil iyo 6 gabdhood).

xaamilo000 xaamilo001 sonogram machine XAAMILO3

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

Xigasho: Daily Mail

©Radio Dalsan        

        

Latest stories