HomeWararMilliteriga Kenya oo isaga huleelay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Milliteriga Kenya oo isaga huleelay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan  inay Ciiddanka Kenya isaga baxeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo hal isbuuc ah. Ciiddanka ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay ka huleeleen labo fariisin oo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha Ceel-cadde, mana cadda sababaha rasmiga ee ay uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan  inay Ciiddanka Kenya isaga baxeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo hal isbuuc ah.

Ciiddanka ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay ka huleeleen labo fariisin oo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha Ceel-cadde, mana cadda sababaha rasmiga ee ay uga baxeen Degaankaasi.

- Advertisement -

Ilo-wadareedka ayaa sheegay in Ciiddanka oo ku hubeysnaa Labaatameeyo Gaadiidka Dagaalka ay horey u sii jiiteen haraagga gaadiidkii ay Alshabaab ku gubeen Xeradda Ceel-cadde.

Ciiddankaasi oo xalay Saqdii dhexe ambabaxay ayaa ahaa kuwii soo gaaray Xeraddaasi, kadib, markii ay Alshabaab bishan 15-dii weerar culus ku qaadeen Xeradaasi oo ay la wareegeen, iyagoo dilay Askar badan oo Kenyan ah.

Ciiddanka Kenyanka ee xalay ka baxay Ceel-cadde ayaa la tilmaamay inay la kulmeen culays dhinaca Nolosha, kadib, markii ay waayeen Biyo Nadiif oo ay isticmaalaan, kana cabsadeen inay Alshabaab sumeeyeen Ceelasha Furan ee ku yaalla Ceel-cadde.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dadkii ka barakacay Deegaanka Ceel-cadde ayaa la sheegay inay ku farxeen Tallaabadaasi, waxayna dadku bilaabeen inay soo kormeeraan  guryaha ay ku leeyihiin Ceel-cadde, inkastoo ay weli jirto cabsi dhinaca Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo maalmahan duqeymo culus ka geystay Deegaanka Ceel-cadde iyo qeybo ka mid ah Goballadda Gedo iyo Baay.

©Radio Dalsan          

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts