HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ka qeyb geli doono Aaska...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ka qeyb geli doono Aaska Askartii Kenyanka lagu dilay Ceel-cadde.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa maanta sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ka qeyb geli doono Aaska Qaran ee loo samaynayo Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Saraakiisha Sare ee Dowladda, Milliteriga iyo Qoysaska Askartii […]

- Advertisement -

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa maanta sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ka qeyb geli doono Aaska Qaran ee loo samaynayo Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

State House Spokesman Manoah EsipisuMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Saraakiisha Sare ee Dowladda, Milliteriga iyo Qoysaska Askartii geeriyootay ayaa la filayaa inay berrito ka qeyb galaan Aaska Askartaasi oo lagu qaban doono Xerada Milliteriga ee Moi oo ku taalla Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari ayaa lagu wadaa inuu berrito  booqasho 3 maalmood ah oo rasmi ah ku tago dalka Kenya, kana qeyb gali doono Munaasabadda lagu aasayo Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa lagu qoray  inay Madaxweynayaasha  dalalka Kenya, Somalia iyo Nigeria la filayo inay maalinta Jimcaha si wadajir ah ugu ambabaxaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxweynayaasha Dowladaha Afrikaanka oo furmi doona maalinta Sabtida ee soo socoto.

Si kastaba ha ahaatee, Xarunta Madaxtooyadda  ee Dowladda Federalka Somalia weli kama soo bixin War ku aadan inuu Madaxweynuhu u ambabixi doono Nairobi, si uu uga qeyb galo Munaasabadda Aaska Askarta Kenyanka ee lagu diley Weerarkii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Deegaanka Ceel-cadde.

- Advertisement -

Xigasho: capitalfm.co.ke

©Radio Dalsan 

Latest stories