HomeWararMadaxweynaha: “Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon waxaa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan...

Madaxweynaha: “Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon waxaa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan u qabtey, taariikhduna ay xusi doonto’’

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Muqdisho, January 26, 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon oo ahaa La Taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta.

“Inna Lillahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto marxuumka. Waxaa uu naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa ilaa ay geerida uga timaaddo. Waxaa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan u qabtey, taariikduna ay xusi doonto. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon, oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu aha rug caddaa dhinaca saxaafadda, isagoo mar noqday afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimihii Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada, iyo isagoo weliba ka mid ahaa dhalinyaradii lagu aasaasey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Ruushka.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa uu waqtiyadan dambe ku hawlanaa dib u soo nooleynta iyo tayeynta saxaafadda Soomaaliya, iyo isagoo xubin ka ahaa Akademiyadda Dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

——- DHAMMAAD——

Daud Aweis 
Afhayeenka Madaxtooyada 
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya 
Email: daweis@presidency.gov.so 
www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories