HomeWararHillary Clinton oo difaacday Dadka Muslimiinta, isla markaana ammaantay Soomaalida ku nool...

Hillary Clinton oo difaacday Dadka Muslimiinta, isla markaana ammaantay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Hillary Clinton oo haatan ah Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxtinimadda dalkaasi waxay si kulul u naqdisay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump oo horey ugu baaqay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka. Hillary Clinton oo xalay  Telefishinka CNN kula hadashay Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiga ku leyahay Gobalka Iyowa […]

- Advertisement -

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Hillary Clinton oo haatan ah Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxtinimadda dalkaasi waxay si kulul u naqdisay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump oo horey ugu baaqay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Hillary Clinton oo xalay  Telefishinka CNN kula hadashay Xafiiska Xisbiga Dimuqraadiga ku leyahay Gobalka Iyowa (Iowa) waxay sheegtay inuu Donald Trump horey Isir-nacayb ugu muujiyey dadak Meksikaanka, haatanna waxa uu ku xad-gudbayaa Muslimiinta.

- Advertisement -

“Qaabka uu uga hadlay Muslimiinta waxaan u arkaa mid waxyeelo leh” ayey tiri Hillary Clinton oo intaasi ku dartay inay ceeb ku tahay Donald Trump inuu wax ka sheego Muslimiinta.

“Ma aha ceeb weyn oo keliya iyo weerar, laakiin waxaan u maleeyaa inay aad u khatar badan tahay. Waxay khatar ku tahay dhowr wadiiqo” ayey sii raacisay Hillary Clinton.

Waxay sheegtay inay Waaldiin badan oo Muslimiin ah u sheegeen inay carruurtooda ka baqanayaan inay Dugsiga aadaan, tan iyo markii uu Donald Trump ku dhawaaqay Hadalka Islaam-nacaybka ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxtinimadda Mraaykanka waxay kaloo ammaantay Soomaalida ku nool dalkaasi oo ay xustay inay yihiin dad aan oggolayn Xag-jirnimadda.

Waxay sheegtay inay dhawaan booqatay magaalladda Minneapolis,oo ay kula kulantay Koox ballaaran oo ka mid ah Soomaalida haysta Dhalashadda Maraykanka, kuwaasi oo ay ku tilmaamtay inay Safka hore kaga jiraan sidii ay Ubadkooda uga badbaadin lahaayeen Xag-jirnimadda.

Waxay kaloo sheegtay in loo bahaan yahay in loo istaago sidii loogu tilmaami lahaa qaladka dhinaca Xag-jirnimadda.

Hadalka Hillary Clinton ku difaacayso Muslimiinta ku nool Maraykanka ayaa waxay qeyb ka tahay Ololaheeda Doorashadda Madaxtinimadda, si ay u kasbato inay Muslimiinta Maraykanka siiyaan Codadkooda oo muhiim u ah Doorashadda Madaxtinimadda ee Maraykanka ka dhici doonta dabayaaqada sannadkan.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, Dhallinyarro badan oo Somali ah oo ku noolaa magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ku biiray Alshabaab, kana qeyb galay dagaalladda ay Alshabaab kala soo horjeedaan ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

©Radio Dalsan  

Latest stories