HomeWararGanacsade Somali-Kenyan lagu xiray Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la sii daayey.

Ganacsade Somali-Kenyan lagu xiray Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la sii daayey.

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa maanta sii daysay Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb, kaasi oo ay Boliska ku soo oogeen inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo inuu taageero Dhallinyarada u safarta Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Ganacsadaha ayaa la sii daayey, kadib, markii ay Boliska ku fashilmeen inay keenaan Caddaymo muujinaya Dembiga loo haysto Ganacsadahaasi oo Madax ka ah Hay’ad NGO ah oo ka hawlgasha Degmadda Mandera ee W/bari Kenya.

Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee Kenya ayaa waxay Ganacsadaha bishan 19-dii ka soo qabteen Dhismaha Ganacsiga ee Eastleigh, halkaasi oo uu ku leeyahay Farmashiye lagu iibiyo Daawooyinka.

Boliska waxay horey ugu eedeeyeen Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb inuu yahay mid ka mid ah Agaasimayaasha Hay’adda Kabagal Foundation, taasi oo ay Boliska sheegeen inay rumeysan yihiin inay Alshabaab u tashkiiliyaan Dhallinyarada doonaysa inay ku biiraan Alshabaab.

Garyaqaanka Ganacsadaha oo lagu magacaabo Anthony Muganda ayaa sheegay inuu C/salaam yahay nin nadiif ah oo aan marnaba lug ku yeelanin maalgelinta Alshabaab ee lagu soo eedeeyey.

Qaar ka mid ah Ehelladda Ganacsadaha ayaa horey u sheegay inay Xaragiisa ka dambeeyeen Madaxda Maamulka Degmadda Mandera.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories