HomeWararSiyaasi Caalim: “Madaxda Dowladda Federalka waxay ahayd inay booqdaan dadkii ku dhaawacmay...

Siyaasi Caalim: “Madaxda Dowladda Federalka waxay ahayd inay booqdaan dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Liido…”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah Diplomaasi Dowladda Finland kala taliya Arrimaha dalka Somalia, ayaa dhaliilay qaabka ay Madaxda Dowladda Federalka u abaareen Dhacdadii Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen dad ku sugnaa Baar ku yaalla Xeebta Liido, kuna dileen Labaatameeyo qof oo rayid ahaa. Diplomaasi Caalim oo xalay Khadka Telefoonka kula hadlay Barnaamijka “Wareegga Wararka” […]

- Advertisement -

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah Diplomaasi Dowladda Finland kala taliya Arrimaha dalka Somalia, ayaa dhaliilay qaabka ay Madaxda Dowladda Federalka u abaareen Dhacdadii Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen dad ku sugnaa Baar ku yaalla Xeebta Liido, kuna dileen Labaatameeyo qof oo rayid ahaa.

Diplomaasi Caalim oo xalay Khadka Telefoonka kula hadlay Barnaamijka “Wareegga Wararka” ee Idaacadda Dalsan ee magaalladda Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in halkii ay Madaxda Qaranka ka booqdeen Liido Weerarka kadib inay ku fiicnayd inay soo booqdaan Bukaanadda ku dhaawacantay Weerarkaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaallo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

“Waxa fiicnayd in Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi loo tacsideeyo, isla markaana la soo booqdo dadkii ku dhaawacmay Weerarkaasi” ayuu yiri Diplomaasi Caalim oo ku sugan Caasimadda dalka Finland ee Helsinki.

Waxaa kaloo uu Wareysigiisa kaga hadlay Shirka Wada Tashiga Qaranka ee dhawaan ku fashilmay magaalladda Kismaayo, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyey Madaxda Maamul-gobaleedyadda oo uu tilmaamay inuu qof kasta doonayo inuu wax ku maamulo Aragtidiisa.

Diplomaasiga oo in ka badan 20-sanno La-taliye u ah Dowladda Finland ee Arrimaha Somalia, wuxuu sheegay haddii ay Madaxda Soomaalida go’aan gaari waayaan inay Madaxda Beesha Caalamka go’aamin doonin Nidaamka Doorashadda iyo Masiirka Somali.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Caqabadaha dhicisn kara Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda magaalladda Jowhar, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Federalka inay isku koobeen Maaraynta Shirkaasi, halkii laga dhigi lahaa in la wadaago Talada, si loo dhiso Maamul-gobaleed lagu mideysan yahay.

Diplomaasigaasi waxa uu ku taliyey in fursad la siiyo Ergooyinka Beelaha Deegaanka, si ay iyaga uga tashadaan Dhismaha Maamulkaasi, una qaataan Mowqif Mideysan oo ku aadan Wadaagista Xilalka Mamaul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Hadalka Diplomaasiga ayaa soo baxay, iyadoo qaar ka mid ah Ergooyinka saluugsan yihiin Nidaamka Shirka, kuwaasi oo ay qaarkooda isaga baxeen Madasha Shirka, shuruudna ka dhigay in la joojiyo waxa ay ugu yeereen Faragelinta dhinaca Dowladda ee Shirkaasi.

Halkan ka dhageyso:-

©Radio Dalsan   

Latest stories