HomeWararMadaxweynaha Puntland oo u yimid Muqdisho Shirka Wada-tashiga Qaranka

Madaxweynaha Puntland oo u yimid Muqdisho Shirka Wada-tashiga Qaranka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas iyo Wafdi ka tirsan Maamulkiisa ayaa duhurnimaddii maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aadan Cadde ee maagaalladda Muqdisho. Madaxweyne Gaas waxa uu ka qeyb geli doonaa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo lagu wado inuu maalmaha soo socdo ka furmo Muqdisho, kaasi oo lagu soo bandhigayo Nidaamka Doorashadda ee Somalia. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas iyo Wafdi ka tirsan Maamulkiisa ayaa duhurnimaddii maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aadan Cadde ee maagaalladda Muqdisho.

Madaxweyne Gaas waxa uu ka qeyb geli doonaa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo lagu wado inuu maalmaha soo socdo ka furmo Muqdisho, kaasi oo lagu soo bandhigayo Nidaamka Doorashadda ee Somalia.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda kale ayaa la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan ilaa berrito, si ay uga qeyb galaan Shirka lagu sii ambaqaadayo Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Maamulka.

Shirkan waxa uu daba joogo Shirkii ay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen Kismaayo, kaasi oo ku soo dhamaaday Fashil, iyadoo lagu heshiin waayey Nidaamka Doorashadda in lagu saleeyo Awood-qeybsiga Beelaha iyo in lagu saleeyo Nidaamka Deegaanka.

MADAXDA SIYAASADDA1
Hoggaamiyayaasha Maamulladda Puntland iyo Jubbaland mooyee Madaxda kale ee Maamul-gobaleedyadda iyo Dowladda Federalka waxay taageersan yihiin Aragtida ku aadan in dalka lagu sii maamulo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5 oo ah Nidaam la soo isticmaalayey tan iyo Dowladdii KMG ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Caalamka ee taageera Somalia ayaa ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaalida inay Isfaham ku dhisan Isku-tanaasul ka gaaraan Nidaamka Doorashadda, ka hor bishan 28-da oo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM Kulan Khaas ah ka yeelan doonaan Arrimaha dalka Somalia.

Sidoo kale, Kulan-madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowag Afrika “AU”, ayaa la filayaa inay iyagana Kulankoodii caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee Ururka AU oo ku taalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

©Radio Dalsan          

Latest stories