HomeWararSomali deggan Britain oo lagu helay Fal Isku-day dil.

Somali deggan Britain oo lagu helay Fal Isku-day dil.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Shan nin oo Somali ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London, iyadoo lagu so ooogay inay si xun u dooxeen Nin aan magaciisa la sheegin, balse 29-jir ah. Raggaasi ayaa la sheegay inay Dhibanaha in ka badan 15 jeer Tooreey kaga dhufteen meel ku dhow Wadnaha, Sambabka iyo Beerka. Qoraal ka […]

- Advertisement -

Shan nin oo Somali ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London, iyadoo lagu so ooogay inay si xun u dooxeen Nin aan magaciisa la sheegin, balse 29-jir ah.

Raggaasi ayaa la sheegay inay Dhibanaha in ka badan 15 jeer Tooreey kaga dhufteen meel ku dhow Wadnaha, Sambabka iyo Beerka.

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Boliska ayaa lagu caddeeyey  inay Eedeysanahayaasha si wadajir ah u dooxeen Dhibanaha abaarihii 01:30 duhurnimo ee bishii June 14-dii ee sannadkii hore.

Qoraalka waxaa lagu xusay inuu Dhibanaha xilligaasi booqanayey Suuq-weyne ku yaalla Degmadda Feltham, waxayan Eedeysanayaasha la dhaceen feer iyo Tooreey, ka hor inta aysan ku baxsanin gaari u taagnaa goobta ay falkaasi ka geysteen.

Eedeysanayaasha lagu soo oogay Fal-dembiyeedkaas waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Muxamed oo 21-jir ah, Zakariya Ibrahim oo 19-jir ah, Sacad Shariif oo 19-jir ah, Hanad Maxamed oo 19-jir ah iyo C/wahaab Maxamed oo 26-jir ah, ahna Dareewalkii waday gaariga ay Eedeysanayaasha ku baxsadeen.

- Advertisement -

Maxkamadda Old Bailey waxay Eedeysanayaasha ku heshay Fal-dembiyeedka lagu soo oogay, balse weli kuma dhawaaqin Xukunnadda ay muteysan doonaan Shanta Eedeysane ee Soomaalida ah.

UK CRIME Abdi Wahab Mohammed

©Radio Dalsan          

            

Latest stories