HomeWarar(SAWIRO): Eedeysanaha lala xiriirinayo Weerarkii Liido oo la sheegay in la qabtay.

(SAWIRO): Eedeysanaha lala xiriirinayo Weerarkii Liido oo la sheegay in la qabtay.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warbaahinta dalka Holland ayaa shaaciyey in ay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dejiyey Qorshihii ay Alshabaab habeen hore ku weerareen Baarka Liido Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido. Ninkaasi ayaa la sheegay inuu haysto Dhalashadda dalka Holland, waxaana […]

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Holland ayaa shaaciyey in ay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dejiyey Qorshihii ay Alshabaab habeen hore ku weerareen Baarka Liido Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido.

ISMAACIIL MUSUE AXMED GUULEEDNinkaasi ayaa la sheegay inuu haysto Dhalashadda dalka Holland, waxaana lala xiriirinayaa Is-qarxintii bartamihii bishii February ee sannadkii hore lala beegsaday Hotelka Central Hotel ee magaalladda Muqdisho, taasi oo ay Hay’addaha Ammaanka sheegeen inay geystay Haweeney la oran jirey Luul Axmed Daahir, oo haysatay Dhalashadda dalka Holland.

- Advertisement -

Weriye Madax-bannaan oo lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa haatan ifiyey in ay Luul Axmed Daahir ahayd Xaaskii Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, kaasi oo la rumeysan yahay inay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka habeen hore ku qabteen Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xeebta Liido.

ISMAACIIL MUUSE AXMED GUULEED IYO LUUL AXMED DAAHIR

Muuqaalladda Kamireeyooyinka Qarsoon ee CCTV oo horey loo baahiyey  ayaa waxay muujinayaan iyadoo Ibrahim Muuse Axmed wato Laptop.

- Advertisement -

CCTV

SAWIRADDA WEERARKII LAGU LE’DAY EE LIIDO:

WEERARKII LIIDO WEERARKII LIIDO 8 WEERARKII LIIDO 6 WEERARKII LIIDO 5 WEERARKII LIIDO 4 WEERARKII LIIDO 3 WEERARKII LIIDO 1 WEERARKII LIIDO 7

©Radio Dalsan                      

 

Latest stories