HomeWararRa’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda DFS Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta furay...

Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda DFS Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta furay Qorshe Horu-marineed oo lagu Hirgelinayo Siyaasada Kala-Duwanaanshaha Noolaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in samaynta Qorshahan iyo Siyaasaddan kala duwanaanshaha Noolaha lagala tashaday dhammaan Wasaaradaha ay khuseyso ee Maamullada Somaliland Puntland iyo Maamul Goboleedyada kale ee dalka.

“Siyaasadan waxay ka kooban tahay qodobo muhiim ah oo ku dhisan aragti ku aadan ilaa 2050-ka oo saameyn ku leh Nolosha Dadka Soomaaliyeed maadaama boqolkiiba todobaatan ay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay siyaasadani Xoogga saarayso, waxaana ugu muhiimsan Nolosha Xoolaha,Beeraha,Kaluumaysiga IWM , sida lagu sheegay Qorshahan Shan Boqol oo nooc oo Dhira ayaa laga helaa Soomaaliya, sidoo kale kun iyo laba boqol oo Xayawaan kala duwan ayaan hodan ku nahay, dhawr boqol oo nooc oo kalluun ah ayaa xeebaheena laga helaa, waxaa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo xayawaanka sii dabar go’aya sida Gumburiga,Goodirka iyo noocyo ka mida Sagaarada. ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare ku-xigeenku”.

Mar uu Mudane Carte ka hadlayay hirgelinta Qorshahan waxa uu sheegay in la horgayn doono PSG4 si looga dhaqan galiyo Hiigsiga Cusub (New Deal)looguna daro Qorshaha Horu-marineed ee Qaranka, sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku wuxuu xusay in Qorshahan lagu hir-gelinayo Siyaasadda Noolaha kala duwan ay xukuumada ka go’antahay in la hirgaliyo Madaxwaynahana loo gudbin doono.

Marka uu saxeexo Madaxwaynaha DFS ayay Xukuumaddu ka hawl-gali doonto sidii maashaariic lagu dhaqangalinayo uga samayn lahaayeen Hay’ada Caalamka u qaabilsan Arrimaha Bii’ada (GEF).

Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenku Mudane Maxamed Cumar Carte wax uu Tacsi u diray dhamaan ummada Soomaaliyeed oo uu ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Falkii arxan-darrada ahaa ee shalay lagu Qaaday Maqaaxida Liido SEA Food ee Xeebta liido, waxaanu si adag uga hadlay in ay dawladda ka gacan ka geysan doonto ilaalinta amniga shacbiga Soomaaliyeed, cid walba oo ka soo horjeeda amaanka bulshadana wuxuu ugu baaqay in aan la xalaashan dhiiga dadka masaakiinta ah.

—DHAMMAAD—
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories