HomeWararQM, EU iyo Carabta oo cambaareeyey Weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido.

QM, EU iyo Carabta oo cambaareeyey Weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido.

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM ayaa si kulul u cambaareeyey Weerarkaasi oo ay ku geeriyoodeen Labaatameeyo qof oo ay ku jireen carruur iyo haween.

Hadal Qoraal oo ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM soo saareen ayey ku sheegeen inay falalka noocaasi ah caqabad ku noqon karaan Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo qorshaha Doorashadda ee sannadkan.

- Advertisement -

Goluhu, waxay Tacsi u direen Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkii Liido, waxayna dhinaca kale bogaadiyeen sida ay Ciiddanka Dowladda ugu guuleysteen Hawlgalka lagula dagaalamay Kooxihii weerarkaasi geystay.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay in Sharciga la hor keeno  Kooxaha abaabula, maalgeliyo iyo kuwa geysta Weeraradda iyo Qaraxyadda lagu dhibaateeyo Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa cambaareeyey Weerarkii Liido, wuxuuna sheegay inaysan falalkaasi waxba u dhimi doonin Dadaalka lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladaha Britain, Imaaraadka, Koonfurta Afrika iyo Jordan ayaa cambaareeyey Weerarkii Xeebta Liido, waxayna Tacsi u direen Ehelladda ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi.

Ururka Midowga Europe “EU” waxay cambaareeyeen Weerarakaasi oo ay ku tilmaameen in lala beegsaday dadka Soomaaliyeed ee u hamuunka qaba Nolol Nabadeed.

Qoraalka EU-da ayaa lagu xusay in la joogo xilligii ay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia ugu tallaabsan lahaayeen Rajadda iyo Hdaafka Ummadda Soomaaliyeed.
Weerarkii habeen hore ay Alshabaab ku qaadeen Baarka Sea Food Restaurant ee Xeebta Liido, waxaa ku geeriyooday Labaatameeyo qof oo ay ku jiraan Dad Birri-ma-geydo ah oo si farxad leh ugu nasanayey Maqaaxidaasi.

 ©Radio Dalsan     

Latest stories