HomeWararWafdi ka socday EU-da oo booqday Xerada Dhadhaab iyo Yabooh loo fidiyey...

Wafdi ka socday EU-da oo booqday Xerada Dhadhaab iyo Yabooh loo fidiyey Somalia, Kenya iyo South Sudan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Christos Styllandies ayaa maanta booqday Xerada Qaxootiga Soomaalida ee Dadab ee W/bari Kenya, wuxuuna shaaciyey Kaalmo-dhaqaale oo dhinaca Samafalka oo dalalka Geeska Afrika la siin doono sannadkan. Waxa uu tilmaamay inay  77 million oo Euro oo u dhiganta 83.9 million oo Dollar ugu deeqi doonaan […]

- Advertisement -

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Christos Styllandies ayaa maanta booqday Xerada Qaxootiga Soomaalida ee Dadab ee W/bari Kenya, wuxuuna shaaciyey Kaalmo-dhaqaale oo dhinaca Samafalka oo dalalka Geeska Afrika la siin doono sannadkan.

Waxa uu tilmaamay inay  77 million oo Euro oo u dhiganta 83.9 million oo Dollar ugu deeqi doonaan baahida degdegga ee Dadka Barakacayaasha ee ku nool dalalka Somalia, Kenya iyo South Sudan.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey qaabka loo qoondeeyey Kharajkaasi, waxa u uxusay in Somalia loogu talagalay 29 million oo Euro oo u dhiganta 31.6 million oo Dollar, Ethiopia waxay heli doonaan 25 million oo Euro oo u dhiganta 27.2 million oo Dollar.

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Christos Styllandies waxa kaloo uu shaaciyey in Lacagta ka soo hartay Deeqdaasi loo qeybin doono dalalka Uganda iyo Jabuuti, iyadoo qeyb yarna loogu talagalay Khatarta Masiibooyinka ee Gobalka.

Mas’uulkaasi waxa kaloo uu sheegay in 17 million oo Euro oo ka mid ah Kharajkaasi lagu taageeridoono Xaalladda Cuntada, Biyaha, Daryeelka Caadimaadka. Waxbarashadda iyo Hoyga ee Mujtamacyadda Kenya ee dhibaataysan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka iyo Maareynta Dhibaatooyinka, Christos Styllandies waxa uu maanta booqday Xerada Dadab o oay ku jiraan 350,000 oo Qaxooti u badan Somalioa, wuxuuna sheegay in Qaxootiga u baahan yihiin Samafal Aadminimo oo Degdeg ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Qaxootiga noqon doona kuwa ugu horreeya ee ka macaashi doono Kaalmadda cusub ee lagu yaboohay.

“Maanta, waxaan u socdaalay Xerada Dadaab, halkaasi oo ay Qaxootigii ugu horreeyey ee Soomaalida ee gabaadka ka helay colaadihii iyo macluushii jirtay muddo haatan laga joogo 25 sanno” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray inuu markhaati ka yahay in baahidii weynayd ee qoysaska ku nool yihiin  isbeshay.

©Radio Dalsan         

Latest stories