HomeWararShirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Muqdisho, January 21, 2016——-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, January 21, 2016——-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen goob fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa xusay in Bankiga dhexe uu bilaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, lana bixinayo labo bilood.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta golaha fulinta dowladda, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay ummadda u hayaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad guurada maalinta qorista Far-Soomaaliga, waxayna ku booriyeen shacabka in qof kasta oo Soomaali ah uu ku dadaalo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda hooyo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts