HomeWararMidowga Europe oo Kaalmo Lacageed ugu yaboohayo Hawlaha Samafalka ee Somalia.

Midowga Europe oo Kaalmo Lacageed ugu yaboohayo Hawlaha Samafalka ee Somalia.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Midowga Europe waxay shaaciyeen inay €29 million ugu talagaleen Hawlaha Samafalka Aadminimo ee Somalia ee sannadkan 2016-ka.

Madaxa Golaha EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka Aadminimadda iyo Maaraynta Masiibooyinka, Christos Stylianides ayaa Yaboohaasi shalay kaga dhawaaqay magaalladda Muqdisho oo uu booqasho hawleed ku yimid.

Waxa uu tilmaamay inay Midowga Europe sii wadi doonaan sidii loo hubaal gelin lahaa inay Kaalmooyinka Samafalka gaaraan dadka sida xooggan ugu tabaalaysan gudaha Somalia.

Dhinaca kale, Madaxa Golaha EU-da ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka Aadminim iyo Maaraynta Masiibooyinka, Christos Stylianides waxa uu carrabka ku dhuftay in Kaalmadaasi wax looga qaban doono Taageeradda cuntada, Adeegyadda Caafimaadka, Biyaha, Nadaafadda iyo Faya-dhowdka, Hoyga, Badbaadinta iyo Waxbarashadda qoysaska aadka u tabaalaysan.

Kaalmadan cusub ee Midowga Europe ayaa timid, iyadoo Ku-dhawaad 5 million oo qof oo Somali ah la sheegay inay u baahan yihiin Kaalmo Aadminimo iyo in ka badan 1 million oo Barakacayaal ku sugan gudaha Somalia.

©Radio Dalsan      

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories