HomeWararSomali-Norwegian ka soo barbar dagaalamay Kooxda Daacish oo la xukumay.

Somali-Norwegian ka soo barbar dagaalamay Kooxda Daacish oo la xukumay.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Maxkamadda Rafcaanka Borgarting ee dalka Norway waaxa la soo taagay rag asal ahaan ka soo jeeda dalalka Somalia iyo Albania, kuwaasi oo la sheegay inuu ku biireen, kana soo barbar dagaalameen Dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan dalka Syria. Warbaahinta dalka Norway ayaa sheegtay in Labada Eedeysane lagu kala xukumay Xabsi u dhexeeya 4 sanno ilaa […]

- Advertisement -

Maxkamadda Rafcaanka Borgarting ee dalka Norway waaxa la soo taagay rag asal ahaan ka soo jeeda dalalka Somalia iyo Albania, kuwaasi oo la sheegay inuu ku biireen, kana soo barbar dagaalameen Dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan dalka Syria.

Warbaahinta dalka Norway ayaa sheegtay in Labada Eedeysane lagu kala xukumay Xabsi u dhexeeya 4 sanno ilaa 5 sanno.

- Advertisement -

Ninka Somali-Norwegian-ka oo lagu magacaabo Jabriil Cabdi Bashiir oo 31-jir ah waxaa lagu xukumay Xabsi Afar sanno iyo 6 bilood.

Sidoo kale, Labo nin oo Walaalo ah, oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Albania, ayaa iyagana lagu soo oogay inay taageeri jireen Kooxda Daacish.

Valon Avdyli oo 29-jir ah waxaa lagu xukumay 4 sanno iyo 9 bilood, iyadoo Walaalkiisa ka yar oo 26 jir horey loogu xukumay 8 bilood, kadib, markii uu ku xadgudbay Sharciga Hubka ee dalka Norway iyo inuu ku fashilmay inuu Kooxda Daacish u gudbiyo Dhar iyo qalabka lagu dagaalamo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saddexda Eedeysane waxaa bishii May ee sannadkii hore la soo taagay Maxkamad, waxayna dhamaan Eedeysanayaasha beeniyey Dacwadihii lagu soo oogay

Xukunnadda waxa uu calaamad u yahay inay markii ugu horreysay Maxkamadda Sare ee Norway go’aan ka qaadatay Kiis la xiriira in lagu biiro Urur Argagixiso, iyadoo Sharciga cusub ee Xukunnadda noocaasi ah fasaxayo in Eedeysane kasta lagu xukumo Xabsi ugu yaraan 6 sanno ah.

NORWAY COURT

Xigasho: nrk.no

©Radio Dalsan  

Latest stories