HomeWararSomali-Kenyan ku ganacsada Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la xiray.

Somali-Kenyan ku ganacsada Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la xiray.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi, isagoo lagu eedeynayo inuu maalgeliyo falalka Ammaan-xumida ee ka dhaca Degmadda Mandera. Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Boliska Kenya ee la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) ayaa ka codsaday Garsooraha Maxkamadda in muddo-kordhin la siiyo, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaanka ay ku […]

- Advertisement -

Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi, isagoo lagu eedeynayo inuu maalgeliyo falalka Ammaan-xumida ee ka dhaca Degmadda Mandera.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Boliska Kenya ee la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) ayaa ka codsaday Garsooraha Maxkamadda in muddo-kordhin la siiyo, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaanka ay ku hayaan Eedeysanaha.

- Advertisement -

Sarkaalka oo lagu magacaabo Cyrus Oykade ayaa sheegay inay doonayaan  baaritaanka Faahfaahinta Mobaylka Eedeysanaha oo u usheegay inuu Mobaylkiisa u isticmaalay inuu kula hadlo dad ku sugan Dibedda iyo Gudaha Kenya.

Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb oo goob Ganacsi ku leh Jidka 12-aad ee Xaafadda Eastleigh  waxa uu beeniyey Eedeymaha lagu soo oogay.

Garsoore Benson Nzakyo ayaa oggolaaday inay Boliska soo dhamaystirtaan baaritaankooda, iyadoo la filayo in Dacwaddiisa mar kale loo dhegeysto maalinta Jimcaha ee soo socota.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Qoyska Eedeysanaha waxay ku eedeeyeen Madaxda Degmadda Mandera inay maleegeen eedeymaha been abuurka ee loo haysto Ganacsade C/salaam Cafiif Shucayb oo Xoghaye ka ah Hay’ad Aan Dowlai Ahayn oo lagu magacaabo Kagbal Foundation oo ka hawlgasha Mandera.

Ganacsadaha ayaa la sheegay inay Boliska ATPU bishan 19-dii ka soo qabteen Dhismaha Eastleigh  Mall ee magaalladda Nairobi, wuxuuna haatan ku xiran yahay Saldhigga Boliska ee Muthayga ee magaalladda Nairobi.

Abdisalam Afif Shueb ABDISALAM AFIF 3

©Radio Dalsan                                    

Latest stories