HomeWararQaar ka mid Qaxootiga Soomaalida ku nool Talyaaniga oo Dib-u-dejin laga siinayo...

Qaar ka mid Qaxootiga Soomaalida ku nool Talyaaniga oo Dib-u-dejin laga siinayo dalka Romania.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dufcaddii ugu horreysay Qaxooti tiradoodu dhan tahay 300 oo qof ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socoto ee Feberaayo gaaraan Casaimadda dalka Romania ee Bukharest.

Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah Qorshe ay Dowladaha Ururka Midowga Europe ku doonayaan inay xal ugu helaan Qulqulka Qaxootiga, iyadoo ay Dowladaha Yurub la ciirciirayaan Qaxootiga xad-dhaafka u soo galayo Qaaradda Europe.

Madaxa Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM uga wakiilka ah Romania, Mireje Mokanu ayaa sheegay in  Qaxootiga Dib-u-dejinta ka helay dalka Romania  laga soo qaadayo dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu xusay inay tiradooda ku dhowwdahay 300 oo qof.

Waxa uu intaasi ku daray in tiradda Qaxootiga la dejinayo dalka Romania bil kasta lagu soo kordhin doono 50-qaxooti.

Dhinaca kale, Go’aanka Midowga Europe ee uu u qoondeeyey in Qaxootiga ku xayiran Talyaaniga loo wareejiyo dalka Romania ayaa ku soo beegantay iyadoo Mucaaradka dalka Romania ka biyo diidsan yihiin arrintaasi.

Bilowgii Toddobaadkan, Boliska Xuduudaha Romania waxay qabteen 60 Tahriibayaal ay ku jireen kuwo Somalia, kuwaasi oo doonayey inay dalka Romania ka soo galaan Xuduuka ay la leeyihiin dalka Serbia.

©Radio Dalsan           

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories