HomeWararMadaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska...

Madaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Muqdisho, 20 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya. Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, […]

- Advertisement -

Muqdisho, 20 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida ay mar walba u taageerada hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Uthman.

Munaasabaddan qiimaha leh , ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

TABABAR

TABABAR6 TABABAR7 TABABAR3 TABABAR2 TABABAR1 TABABAR5 TABABAR7

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories