HomeWararKenyan la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab oo lagu dilay Malindi.

Kenyan la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab oo lagu dilay Malindi.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciiddanka Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay saakayto  Afar nin oo lala xiriirinayo Alshabaab ku dileen Deegaanka Kawajooja ee hoos tagta Degmadda Malindi ee Xeebta leh. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ragga la dilay ay ka mid ahaayeen Sulaymaan Maxamed Awadh iyo Issa Ali, oo Kenyan ah, kuwaasi oo horey […]

- Advertisement -

Ciiddanka Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay saakayto  Afar nin oo lala xiriirinayo Alshabaab ku dileen Deegaanka Kawajooja ee hoos tagta Degmadda Malindi ee Xeebta leh.

Suleiman Mohammed AwadhWargeyska Daily Nation ayaa qoray in ragga la dilay ay ka mid ahaayeen Sulaymaan Maxamed Awadh iyo Issa Ali, oo Kenyan ah, kuwaasi oo horey madaxooda loo dul dhigay abaalmarin lacageed oo min 2 million oo Kenya Shillings.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska  ee Malindi, Matawa Machangi ayaa sheegay inay Boliska saqdii dhexe ee xalay weerareen guri ay ku jireen raggaasi oo ku yaalla meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Malindi, waxaana la tilmaamay inay labada dhinac isweydaarsadeen rasaas.

Waxa kale oo uu sheegay  inay dadka deegaanka u soo far muuqdeen guriga ay ku jireen Xubnaha lala xiriirinayo Alshabaab.

Dhinaca kale, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Hawlgalkaasi ka baxsadeen 3 kale oo lala xiriirinayo Alshabaab,  kuwaasi oo uu sheegay inay ku hubeysan yihiin Qoriga AK 47.

- Advertisement -

Boliska waxay guriga ay weerareen ka heleen 5 bam gacmeed, Bistoola nooca Beretta Pistol, rasaas, Mobaylo, SIM Cards iyo Waraaqo Aqoonsi, waa sida ay ku andacoodeen.

Matawa Muchangi

©Radio Dalsan 

Latest stories