HomeWararKala bar Askartii Kenyanka ku sugnaa Ceel-cadde oo la la’ yahay.

Kala bar Askartii Kenyanka ku sugnaa Ceel-cadde oo la la’ yahay.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ilo dhinaca Ammaankaayaa sheegay inay 240 Askar Kenyan ku sugnaayeen Saldhigga Ceel-cadde, xilligii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Saldhigaasi. Saldhigaasi waxaa Taliye ka ahaa Sarkaal darajadiisu ahayd Gaashaanl (Major) oo ay ka hoos shaqeynayeen Afar Sarkaal oo isku darajo ahaa (Dhame ama Captain), waxaana Dhismaha Saldhiga qeyb ka degganaa Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka Somalia. […]

- Advertisement -

Ilo dhinaca Ammaankaayaa sheegay inay 240 Askar Kenyan ku sugnaayeen Saldhigga Ceel-cadde, xilligii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Saldhigaasi.

Saldhigaasi waxaa Taliye ka ahaa Sarkaal darajadiisu ahayd Gaashaanl (Major) oo ay ka hoos shaqeynayeen Afar Sarkaal oo isku darajo ahaa (Dhame ama Captain), waxaana Dhismaha Saldhiga qeyb ka degganaa Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka Somalia.

- Advertisement -

Ku-dhawaad 63 Askari ayaa laga cabsi qabaa inay geeriyoodeen, halka tiro aan la aqoonin maqan yihiin, halka kuwo kalena ay ku jiraan gacanta Alshabaab.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, David Obonyo waxa uu shaki geliyey inay 240 Askari ku sugnaayeen Saldhigga Ceel-cadde, wuxxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo tirade saxda ee Ciiddankaasi.

Afhayeenka waxa kaloo uu beeniyey hadal uu Taliyaha Ciiddanka Dowladda ee Gobalka Gedo, Jeneral Cabaas Ibraahim Gureey ku sheegay inay Askarta Kenyanka u gudbiyeen Digniin, ka hor weerarkii Alshabaab ku qaadeen Saldhigaasi.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Kenya waxay qirsan yihiin inuu Weerarkii Alshabaab ee Ceel-cadde ahaa guul-darradii ugu xumayd ee ay la kulmaan, tan iyo markii ay Somalia soo galeen sannadkii 2011-kii.

Ilaa 3,664 Askari oo Kenyan ah ayaa haatan qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM oo ay ku wehliyaan 6,223 Askar Ugandese, 5,432 Burudian, 4,395 Ethiopian iyo 1,000 Djiboutian.

©Radio Dalsan

Latest stories