HomeWararKenya oo sheegtay inay burburiyeen gaadiid ay Alshabaab horey uga qabsadeen Ciiddanka...

Kenya oo sheegtay inay burburiyeen gaadiid ay Alshabaab horey uga qabsadeen Ciiddanka Kenya.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Afhayeenka Milliteriga Kenya, David Obonyo ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Diyaaradaha Dagaalka Kenya kordhiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan goobaha ay Alshabaab kaga sugan yihiin Nawaaxiga Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Isagoo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star waxa uu tilmaamay in duqeymaha lagu burburiyey Gaadiidka nooca Booyadaha (Tankers) oo horey Askarta Kenya looga qabsaday dagaalkii Ceel-cadde.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in  gaadiidka la gubay iyo shixnadaha hubka ee ay k uqabteen Hawlgalkaasi in loo qaaday Degmadda Mandera.

Diyaaradaha Kenya waaxay kaloo weerareen Deegaanadda Ceel-gaduud iyo Dabley, halkaasi oo lagu tuhunsan yahay inay dhufeysyo ku leeyihiin Alshabaab waa sida uu Wargeysku qoray.

Dadka deegaanka waxay kaloo sheegeen in duqeymahaasi lagu burburiyey hubka lagula dagaalamo Taangiyadda ee “Anti-tank weapons”.

Dhinaca kale, dadka Kenyanka waxay Twitterka si kulul ugu naqdiyeen Farriintii Madaxweyne Uhuru ee uu kaga tacsideyey khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde.

Waxayna hadalka Uhuru ku tilmaameen Hadal aan hadaf lahayn oo kale.

© Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories