HomeWararSuxufiyiin lagu xiray Jowhar iyo Burco.

Suxufiyiin lagu xiray Jowhar iyo Burco.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka naga soo gaarayo magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ayaa xaqiijiyey in xabsiga la dhigay Saxafi lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali “Black, kaasi oo u shaqeeya Telefishinka SOMNEWS. Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay xireen Weriyahaasi, xilli uu sawiro ka qaadayey Dhismaha Hoolka Shirarka iyo Dhismooyin kale oo ku yaalla Jowhar. Saxafigaasi waxa uu ka mid ahaa […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaarayo magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ayaa xaqiijiyey in xabsiga la dhigay Saxafi lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali “Black, kaasi oo u shaqeeya Telefishinka SOMNEWS.

WERIYE CABDIRAXMAAN BLACKCiiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay xireen Weriyahaasi, xilli uu sawiro ka qaadayey Dhismaha Hoolka Shirarka iyo Dhismooyin kale oo ku yaalla Jowhar.

- Advertisement -

Saxafigaasi waxa uu ka mid ahaa Koox Suxufiyiin ah oo Jowhar u tegay, si ay u soo baahiyaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka Gobalka Sh/dhexe weli kama hadlin xariga loo geystay Weriyahaasi, iyadoo ay Ururka Suxufiyiinta Sh/dhexe cambaareeyeen xarigaasi, waxaynaku baaqeen in la sii daayo Saxafigaasi.

Dhinaca kale, Wararka naga soo gaarayo Caasimadda Gobalka Togdheer ee Burco waxa halkaasi lagu xiray Weriye Madax bannaan oo caan ka ah Warbaahinadda ku hadla Afka Soomaaliga.

- Advertisement -

WERIYE CABDIMAALIK COLDOONCiiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay xireen Weriye C/maalik Muuse Coldoon iyo Sawir-qaade kala shaqeeya Xafiis uu ku lahaa magaalladda Burco.

Maamulka Somaliland weli kama  aysan hadlin xariga Weriyahaasi iyo Sawir-qaadaha.

Ururka Suxufiyiinta magaalladda Burco ayaa cambaareeyey xarigaasi, waxayna ku baaqeen in shuruud la’aan loo sii daayo Weriye C/maalik Muuse Coldoon iyo Sawir-qaadihii la shaqeynayey.

©Radio Dalsan 

Latest stories