HomeWararMaydadka Askarta Kenyaanka oo caawa la geynayo Nairobi.

Maydadka Askarta Kenyaanka oo caawa la geynayo Nairobi.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhigga ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Qeybta Koowaad ee Maydadka Askarta Kenya caawa laga soo dejin doono Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi. Hadalkaasi ayey jeedisay, kadib, markii ay maanta Garoonka Wilson ku qaabishay Ku-dhawaad 30 Askari oo ka badbaaday Weerarkii Alshabaab Jimcihii hore ku qaadeen Saldhig ay Askarta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhigga ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Qeybta Koowaad ee Maydadka Askarta Kenya caawa laga soo dejin doono Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Hadalkaasi ayey jeedisay, kadib, markii ay maanta Garoonka Wilson ku qaabishay Ku-dhawaad 30 Askari oo ka badbaaday Weerarkii Alshabaab Jimcihii hore ku qaadeen Saldhig ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

- Advertisement -

Ma aysan sheegin tirada maydadka la keeni doono iyo halka laga soo qaadayo, iyadoo ay Ciiddamo badan oo Kenyaan ah hawlgal ka wadaan duleedka Ceel-cadde, si ay u helaan Askar nool ama maydadka Askartii lagu dilay Duullaankii Jimcihii la soo dhaafay.

Waxay sheegtay in Askarta maanta laga soo dejiyey Wilson Airport inaysan dhaawacnayn. Balse ay anfariirsan yihiin ama argagaxsan yihiin, waa sida ay hadalka u tiri.

Qaar ka mid ah Askarta maanta laga dejiyey Garoonka Wilson Airport ayaa watay hubkooda, iyagoo garaarsanaa ama laalaadinayey Qoryaha Fudud ee AK 47 iyo Faalka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Raychelle Omamo waxay sheegtay in Ciiddamo badan loo diray Gobalka Gedo, si ay u qaadaan Hawlgal lagu baadi-goobayo, laguna badbaadinayo Askarta lagu la’ yahay Weerarkii Ceel-cadde.

Ugu dambeyntii, waxay sheegtay in tiradda Askarta Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii Alshabaab la shaacin doono marka la soo af-jaro Hawlgalka haatan socdo.

Xarakadda Alshabaab waxay sheegtay inay dileen ilaa 100-Askar Kenyaan ah, isla markaana ay 12 kale nolol ku qabteen.

KDF WILSON00

KDF WISLON666

KDF 777 KDF03 KDF 02 KDF 001

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts