HomeWararMaraykanka iyo Ethiopia oo ka wada hadlay in Dowladda Somalia laga taageero...

Maraykanka iyo Ethiopia oo ka wada hadlay in Dowladda Somalia laga taageero La-dagaalanka Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe ayaa mar kale xaqiijiyey inay Dowladiisa sii wadayso Taageeradda ay Dowladda Somalia ka siinayaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab. Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibedda, Edward Randall “Ed Royce” oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Addis Abeba. […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe ayaa mar kale xaqiijiyey inay Dowladiisa sii wadayso Taageeradda ay Dowladda Somalia ka siinayaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibedda, Edward Randall “Ed Royce” oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Addis Abeba.

- Advertisement -

Warkan oo ay baahisay Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul isku aragti ka noqdeen sidii Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM looga taageeri lahaa Hawlgalka ka dhanka ah AMISOM.

Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibedda, Ed Royce oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka soo dhaweynayso dadaalka Dowladda Ethiopia ugu jirto Nabad-raadinta Somalia iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee  Ethiopia,  Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxay Toddobaadkii hore mar kale ka digtay inay Alshabaab khatar ku yihiin Dalalka Gobalka, gaar ahaan dalka Ethiopia.

- Advertisement -

©Radio Dalsan       

Latest stories