HomeWararMadaxweynaha oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay...

Madaxweynaha oo kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Muqdisho, 18 January, 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating. Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka […]

- Advertisement -

Muqdisho, 18 January, 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating.

Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

- Advertisement -

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

QAABILAAD01 QAABILAAD002 QAABILAAD004 QAABILAAD003 QAABILAAD005

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories