HomeWararKu-dhawaad 100 Muwaadiniin British oo ay ku jiraan Somali oo lagu dilay...

Ku-dhawaad 100 Muwaadiniin British oo ay ku jiraan Somali oo lagu dilay Syria iyo Iraq.

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Wargeysyadda Daily Mail iyo The Sunday People ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka rumeysan yihiin in ku-dhawaad 100 Muwaadiniin British oo ku biiray Kooxda Daacish lagu dilay dalalka Syria iyo Iraq tan iyo markii uu Dagaalka Sokeeye ee Syria bilowday bishii Maarso 15-dii ee sannadkii 2011-kii.

Ilo dhinaca Mukhaabaraadka Britain ayaa sheegay in Jihadistayaashaasi la dilay ay yihiin kuwo asal ahaan ka soo jeeda kuwo u dhashay Britain iyo kuwo kale oo qaaday Dhalashada Ingiriiska.

Warbixinta oo lagu soo lifaaqay Sawirada qaar ka mid ah 100-ka Britishka ee lagu dilay dalalka Syria iyo Iraq ayaa waxaa ku jiray ugu yaraan 5 Somali-British ahaa, kuwaasi oo markii ay ku biireen Kooxda Daacish la baxay magacyo kale.

Magacyadda Soomaalida haysatay dhalashada Britishka ee la dilay iyagoo ka barbar dagaalamayo Daacish waxaa ka mid ah:- Abu Cabdalla Xabashi, Abu Muusa Asomali, Abu Mohamed Asomali, Abu Maalik Asomali iyo Abu Khaalid Albiritayn.

Dhinaca kale, Sirdoonka Britain waxay sheegeen inay Kooxda Daacish ku biirtay 60 Haween British iyo ku-dhawaad 100-carruur ah, kuwaasi oo haatan ku nool Degmooyinka ay Daacish ka haystaan dalka Syria.

SAWIR 1 SAWIR5 SAWIR4 SAWIR3

Xigasho: MIRROR & SUNDAY PEOPLE

©Radio Dalsan  

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories