HomeWararDowladda Federalka oo loogu deeqay Malaayiin Dollar tallaabadii ay xiriirka ugu jareen...

Dowladda Federalka oo loogu deeqay Malaayiin Dollar tallaabadii ay xiriirka ugu jareen Iiraan.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga ugu yaboohday Dowladda Somalia lacag dhan 50-million oo Dollar, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan. REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Nairobi u direen Safaaradda Somalia ee Nairobi, taasi ooDowladda Somalia […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga ugu yaboohday Dowladda Somalia lacag dhan 50-million oo Dollar, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan.

REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Nairobi u direen Safaaradda Somalia ee Nairobi, taasi ooDowladda Somalia loogu ballanqaaday in la siinayo 20 million oo Taageero dhinaca Miisaaniyadda ah iyo 30-million oo Dollar oo loogu talagalay Maalgelinta Somalia.

- Advertisement -

Labadaasi Ballanqaaad ayaa la sheegay inay ka timid Hay’adda Sacuudiga ugu qaabildan Horumarinta “The Saudi Development Fund”, iyadoo Somalia haatan ka soo kabanayso Burburkii iyo dagaalladdii sokeeye.

REUTERS waxay sheegtay in Dukumentigaasi uu ku taariikheysnaa bishan Janaayo 7-dii, oo ku beegnayd maalintii ay Dowladda Federalka Xiriirka Diplomaasiyadeed u jartay Dowladda Iiraan oo ay Dowladda Sacuudiga ficiltamaan.

Dhinaca kale, Dowladda Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa la sheegay inay ka gaabsadeen mar ay Wakaalladda REUTERS wax ka weydiisay Taageeradaasi Dhaqaale.

- Advertisement -

Xigasho: REUTERS

©Radio Dalsan             

Latest stories