HomeWararTahriibayaal Somali oo lagu qabtay dalalka Masar iyo Romania.

Tahriibayaal Somali oo lagu qabtay dalalka Masar iyo Romania.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Boliska dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen 5 Tahriibayaal Somali ah, kuwaasi oo si sharci-darro ku soo galay dalkaasi. Ciiddanka Ammaanka ee Magaalladda Aswaan ayaa sheegay inay Waqooyiga Aswaan ka qabteen 7 Tahriibayaal oo 5 ka mid ah yihiin Somalia, halka 2-da kalena u kala dhasheen Ethiopia iyo Eritrea. Wargeyska Albalad […]

- Advertisement -

Boliska dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen 5 Tahriibayaal Somali ah, kuwaasi oo si sharci-darro ku soo galay dalkaasi.

Ciiddanka Ammaanka ee Magaalladda Aswaan ayaa sheegay inay Waqooyiga Aswaan ka qabteen 7 Tahriibayaal oo 5 ka mid ah yihiin Somalia, halka 2-da kalena u kala dhasheen Ethiopia iyo Eritrea.

- Advertisement -

Wargeyska Albalad ee ka soo baxa dalka Masar oo aan ka soo xiganay Warkan ayaa qoray in Tahriibayaasha Soomaalida ee la qabtay oo ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 30-jir laga soo masaafurin doono dalka Masar, inkastoo aan la ogeyn dalka lagu soo celin doono.

tahriibayaalDhinaca kale, Boliska dalka Romania, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 60 Tahriibayaal oo ay ku jireen kuwo Somali ah.

Afhayeenka Boliska ee dalkaasi, Roxan Costache ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi oo da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 40-jir lagu qabtay Xuduudka Romania la wadaago dlka Serbia.

- Advertisement -

Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Moroko, Iraq, Pakistan iyo Afganistan.

©Radio Dalsan

Latest stories