HomeWararWar Saxaafadeed: Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka

War Saxaafadeed: Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

War Saxaafadeed GOLAHA WASIIRADA EE DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO ANSIXIYEY XEERKA DIIWAANGELINTA SHIDAALKA Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Khamiistii oo taariikhdu ahayd 14ka Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka. Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid ah ee ay shirkaduhu horey u haysteen loo diiwaangelin lahaa si […]

- Advertisement -

War Saxaafadeed
GOLAHA WASIIRADA EE DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED OO ANSIXIYEY XEERKA DIIWAANGELINTA SHIDAALKA

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Khamiistii oo taariikhdu ahayd 14ka Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka. Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid ah ee ay shirkaduhu horey u haysteen loo diiwaangelin lahaa si loogu aqoonsado xaqa ay u leeyihiin inay ka fuliyaan howlaha la xiriira shidaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JRS).

- Advertisement -

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa ka maqan nuqalidii heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shidaalka ee xaqa u siinaya in ay ka howl galaan JRS. Si loo aruuriyo xogta lagama maarmaanka u ah maamulidda heshiisyadaas, ayaa waxaa Golaha Wasiirada ay ansixiyeenna Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka taasoo ay maamulayso Wasaaradda Batroolka and Macdanta.

Dawladuhu badanaa waxay u isticmaalaan Diiwaangelinta Shidaalka maamulidda arimaha shidaalka. Si loo helo mustaqbalka xasilooni dhanka shidaalka Soomaaliya waxaa muhiim ah in la aruuriyo macluumaadka shirkadaha xaqa u leh inay ka fuliyaan hawlo shidaal dhulka JFS.
Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay lee yihiin.

Dhamaad

Latest stories