HomeWararWar saxaafadeed ( Faafin Degdeg ah )

War saxaafadeed ( Faafin Degdeg ah )

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Tr. January 16,2016 Muqdisho – Soomaaliya â–ª War saxaafadeed – Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynayaan weerarka daran ee aan cafiska laheyn ee kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku qaaday shalay saldhigga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo . Annaga oo si gaar ah u garwaaqsan , […]

- Advertisement -

Tr. January 16,2016
Muqdisho – Soomaaliya

â–ª War saxaafadeed –

- Advertisement -

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynayaan weerarka daran ee aan cafiska laheyn ee kooxda argagaxisada Al Shabaab ay ku qaaday shalay saldhigga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo . Annaga oo si gaar ah u garwaaqsan , lana qeybsaneyna khasaaraha xanuunka leh ee gaaray Shacabka iyo Xukuumadda Kenya , kuwaa oo wiilashooda iyo gabdhahooda si geesinimo leh u yimid si ay u soo celiyaan rajada iyo deganaanshaha Soomaaliya . Waxaanu salaan u saareynaa Ciidanka Difaaca Kenya ( KDF) dadaaladooda , waanu la xanuunsaneynaa khasaaraha gaaray.

Waxa aanu xasuusaneynaa geesinimada , waajib gudashada iyo nafhurnimada ciidamada ku howlgala magaca AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , kuwaa oo nafhurnimada iyo dadaalka ay wadaagaan ku xaqiijiyay markale horumar dhinacyo badan leh .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska , saaxiibada iyo dadka jecel ciidamadaasi geesiyaasha ah ee naftooda u waayay ilaalinta muwaadiniinteena rayidka ah ee aan waxba galabsan, xoojinta hey’adaha dowladeed iyo ilaalinta guusheena ka dhanka ah sharta oo ah argagaxisada . ma iloobi doonno nafhurnimadooda,mana noqon doonto wax cayaar gala .

- Advertisement -

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marna kama gaabin doonto, mana hakin doonto ka guul gaaridda yididiiladeeda nabadda ,horumarka iyo barwaaqada guud ahaan shacabkeeda iyo gebi ahaan gobolka , falalka fuleynimada leh ee dembiga xambaarsan ee ay geysanayaan kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan diinteena islaamka ee quruxda badan.

Iyadoo lagu gudajiro dadaalada geesinimo ee si mideysan uga socda Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ( AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , ayaa waxaa xaqiijin doonaa in nafhurnimada maanta ee wiilasha iyo gabdhaha walaalaheena aan wax ka soo qaad micno laheyn noqon doonin marnaba. Waanu jebin doonnaa Al Shabaab , Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkuna waxa ay noqon doonaan kuwa bedqab ah oo barwaaqo u ah dhammaan shacabkeena walaalaha ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM waxa ay sii wadi doonaan howlgalada wadaagga ah , illaa iyo inta laga xoreynayo Al shabaab taako waliba oo ka mid ah Soomaaliya , shacabkeenana uu noqdo mid xor ah , si uu u gaaro yididiiladiisa nabadda iyo Xoriyadda .

Dhacdooyinka murugada ah ee caalamka xilligan ka dhacay oo ay ka mid yihiin Paris, Istanbul, Jakarta iyo Ougadugo, waxaanu ognahay in argagaxisadu tahay dhibaatada dunida maanta hortaagan. waxaa waajib nagu ah inaan jebinno shartaasi si wadajir ah si loo suurageliyo nabad-gelyo , horumar iyo barwaaqo.

Latest stories