HomeWararSomali dhac iyo jirdil u geysatay Nin Liibiyaan oo la amray in...

Somali dhac iyo jirdil u geysatay Nin Liibiyaan oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga Malta.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Saddex nin oo Somali ah ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, kadib, markii ay Talaadadii la soo dhaafay dhac iyo dhaawac u geysteen Nin Liibiyaan oo ay doonayeen inay ka dhacaan Lacag uu ku watay suunka uu xirnaa.

Ragga Soomaalida oo magacyadooda lagu kala sheegay  Axmed Shariif Xaydar Ciise 00 32 jir ah, Maxamed Xasan Muxiyadiin oo 30-jir ah iyo Islaan Abuukar Cabdow oo 36 jir ah ayaa la sheegay inay si wadajir ah u garaaceen Ninka Liibyaanka oo ay wada deganaayeen Dhismo ku yaalla Degmadda Zurrieq oo ku taalla Koonfurta Jesiiradda Malta.

Dhibanaha Liibiyaanka oo lagu magacaabo Ramadaan Saciid Cali Daaha ayaa la sheegay in Saldhigga Boliska tegay isagoo wada dhiig ah, wuxuuna Boliska u sheegay inay rag Soomaali ah jirdileen, kadib, markii uu diiday inuu lacag siiyo.

Waxa kaloo uu Dhibanaha sheegay inay Eedeysanayaasha ugu digeen inuusan Boliska u gudbinin dhibaatadda loo geystay.
Dhinaca kale, Garyaqaanka u doodayey raga Soomaalida o olagu magacaabo Micallef Stafrace ayaa codsaday in damiin lagu sii daayo, balse Dacwad-oogaha ayaa Maxkamadda u sheegay inuu Dhibanaha weli argagaxsan yahay oo Shoogsan yahay, isla markaana ay halis kale gelin karaan maadaam ay isku Dhismo deggan yihiin.

©Radio Dalsan          

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories