HomeWararShirka Kismaayo oo la isku af garan waayey, lana sheegay inuu soo...

Shirka Kismaayo oo la isku af garan waayey, lana sheegay inuu soo xirmay.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda waxay ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay lahaayeen La-tashiyo ku aadan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga. Siyaasiyiin ka mid ah Xubnihii ka qeyb galay Shirkaasi ayaa inoo sheegay in lagu kala qeybsamay Nidaamka la qaaadan lahaa, iyadoo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku adkeystay in Nidaamka 4.5 […]

- Advertisement -

Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda waxay ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay lahaayeen La-tashiyo ku aadan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga.

Siyaasiyiin ka mid ah Xubnihii ka qeyb galay Shirkaasi ayaa inoo sheegay in lagu kala qeybsamay Nidaamka la qaaadan lahaa, iyadoo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku adkeystay in Nidaamka 4.5 lagu soo xulo Aqalka Hoose iyo Aqaalka Sare ee Barlamaanka soo socda.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay iyagana ku adkeysteen in Nidaamka Xulashadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda iyo Awood-qeybsiga lagu saleeyo Nidaamka Deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waa uu ka gaabsaday Muranka la xiriira Nidaamka Awood-qeybsiga.

Wararka ugu dambeeyey ee saakayto naga soo gaarayo Kismaayo ayaa sheegay in Fadhigii xalay lagu kacay micnaheedu tahay inuu sidaas ku xirmay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee dorraad ka furmay magaalladda Kismaayo.

- Advertisement -

madaxda

Dhinaca kale, waxaa suurtogal ah inay Madaxda maanta yeeshaan Kulamo kale oo La-tashi ah, si meel dhexe la isugu yimaado Khilaafka ka taagan Nidaamka loo qabanayo Doorashooyinka soo socda.

Wixii ku soo kordha Shirkaasi waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

©Radio Dalsan         

Latest stories