HomeWararMuwaadin Maraykan ka barbar dagaalamay Alshabaab oo beeniyey dacwado lagu soo oogay.

Muwaadin Maraykan ka barbar dagaalamay Alshabaab oo beeniyey dacwado lagu soo oogay.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maalik Caalim Jones oo 31-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee Manhattan, waxaana lagu soo oogay 5 fal-dembiyeed ay ka mid ahaayeen inuu tababar la soo qaatay Alshabaab iyo inuu ku taageeray Alshabaab dagaalka ay kula jiraan Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM. Dukumenti la hor keenay Maxkamadda, ayaa lagu sheegay in Maalik […]

- Advertisement -

Maalik Caalim Jones oo 31-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee Manhattan, waxaana lagu soo oogay 5 fal-dembiyeed ay ka mid ahaayeen inuu tababar la soo qaatay Alshabaab iyo inuu ku taageeray Alshabaab dagaalka ay kula jiraan Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Dukumenti la hor keenay Maxkamadda, ayaa lagu sheegay in Maalik Caalim Jones oo ah Muwaadin Maraykan ku dhashay Gobalka Maryland u sheegay xubno ka tirsan Dambi-baarista FBI-da inuu la dagaalamayey Ciiddanka Kenya tan iyo markii uu ku dhaawacmay duqeyn Gantaal, lana dhigay Isbitaalka.

- Advertisement -

Maalik Caalim Jones waxa uu FBI-da u sheegay inuu Alshabaab ka tirsanaa muddadii u dhexeysay bishii August ee sannadkii 2011-kii ilaa bishii December ee sannadkii hore ee 2015-ka.

FBI-da waxay sheegtay inay hayaan caddaymo muujinaya Dembiyadda lagu soo oogayo Maalik Caalim Jones, oo ay ku jiraan Muuqaal Video oo muujinaya isagoo ka barbar dagaalamayo Alshabaab.

Dhinaca kale, Garyaqaan Maalik Caalim Jones oo lagu magacaabo Irving Cohen ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay bannaanka Maxkmaadda Manhattan inuu dib u eegayo caddaymaha la soo bandhiga, isla markaana ay iska difaaci doonaan Eedeymahaasi.

- Advertisement -

Maalik Caalim Jones oo bishii December 7-dii lagu qabtay magaalladda Baraawe, isagoo dooni u sii raaci lahaa Yemen ayaa lagu sii hayn doonaa Xabsiga.

©Radio Dalsan         

Latest stories