HomeWararMaxkamad ku taalla Kenya oo xukun ku riday Rag lala xiriirinayo Alshabaab.

Maxkamad ku taalla Kenya oo xukun ku riday Rag lala xiriirinayo Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

  Taliyaha Boliska ee Mandera, Fredrick Shisisa  ayaa sheegay in 8 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab inay u gudbiyeen Maxkamadda, isla markaana lagu riday  xukun min 5 Sanno ah ama ay bixiyaan ganaax lacag oo dhan 400,000 Kenya Shillings. Waxa uu sheegay inay Raggaasi ku qabteeen Hawlgalka lagu sugayo Ammaanka ee bilowgii bishan ka bilowday […]

- Advertisement -

 

Taliyaha Boliska ee Mandera, Fredrick Shisisa  ayaa sheegay in 8 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab inay u gudbiyeen Maxkamadda, isla markaana lagu riday  xukun min 5 Sanno ah ama ay bixiyaan ganaax lacag oo dhan 400,000 Kenya Shillings.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inay Raggaasi ku qabteeen Hawlgalka lagu sugayo Ammaanka ee bilowgii bishan ka bilowday Gobalka W/bari, gaar ahaan inta u dhexeysa Degmooyinka Mandera iyo Ceel-waaq.

Taliyaha Boliska Mandera waxa kaloo uu tilmaamay in 3 ka mid ah 8-da Eedeysane ee la xukumay ay la Baarayaasha Boliska kala shaqnayaan sidii loo soo qaban lahaa xubno kale oo lala xiriirinayo  Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku sugan yihiin gudaha iyo dibedda Kenya.

Waxa uu sheegay inay raggaasi horey taageero uga geysteen sidii loo qaban lahaa labo nin oo cunto u keeni jirey, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey dhinaca ammaanka, waxa uu sheegay inay Mandera deggan tahay, balse ay khatarta ka jirto inta u dhexeysa Deegaanka Ceel-waaq iyo Lafeey oo ku dhow Xuduudka.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska ee Mandera, Fredrick Shisisa  waxa uu sheegay inay Saraakiisha Dembi-baarisra weli dabagal ku hayaan weerarkii ay Milliteriga Kenya bishii hore ee December 28-dii ku toogteen labo qof oo rayid ah oo ku sugnaa bartamaha Mandera.

©Radio Dalsan      

Latest stories