HomeWararMaxbuus Somali ku xiran Hindiya oo la il-daran Cuddurka Qaaxadda.

Maxbuus Somali ku xiran Hindiya oo la il-daran Cuddurka Qaaxadda.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Muwaadin Somali ah oo ku eedeysan Burcad-baddeednimo kuna xiran Xabsi ku yaalla dalkaasi ayaa la sheegay inuu la xanuunsan yahay Cuddurka Qaaxadda ama TB-da, kadib, markii uu wax badan qaatay Kaniiniga looga hortago Qaaxadda.

Bukaanka oo lagu magacaabo Axmed Khaalim Mohamed ayaa la sheegay inuu qoraal u diray Garyaqaankiisa oo lagu magacaabo Suraaj Hulke, oo uu ku codsaday in laga saaro Isbitaalka uu ku xanuunsan yahay ee JJ Hospital oo ay Dowladda leedahay.

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray inuu Bukaanka sheegay inuusan doonaynin in lagu daaweeyo Isbitaalka JJ Hospital, wuxuuna door biday in loo wareejiyo Isbitaalladda kale ee ay dadka Gaarka leeyihiin (A private Hospital).

Qeylo-dhaanta Bukaankaasi ayaa timid, labo bilood kadib, markii mid ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Hindiya oo la oran jirey Cabid Jaamac uu cuddurka Qaaxadda ugu geeriyooday isla Isbitaalka JJ Hospital ee uu haatan ka cabanayo Bukaanka Maxbuuska ah ee Axmed Khaalin Maxamed.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa amartay Dhakhaatiirta Isbitaalka JJ Hospital inay  faahfaahin ka bixiyaan Adeegyadda caafimaad ee lagu daaweeyo dadka la xanuunsan cuddurka Qaaxadda.

Sidoo kale, Taliyaha Xabsiga Taloja oo ay ku xiran yihiin Bukaanka Axmed Khaalin Maxamed iyo Maxaabiista kale ee Soomaalida ayaa la amray inuu Faahfaahin ka bixiyo Xaalladda Caafimaadka Axmed Khaalin Maxamed iyo sababaha uu Maxaabiista Soomaalida ugu diidayo inay helaan Adeeg Caafimaad.
JJ HOSPITAL 00 somali pirates

©Radio Dalsan                        

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories