HomeWararMadaxweynaha oo gaaray Kismaayo  iyo Shirka Wada-tashiga Qaranka oo mar kale dib...

Madaxweynaha oo gaaray Kismaayo  iyo Shirka Wada-tashiga Qaranka oo mar kale dib u dhacay.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne-ku-xigeenka Labaad ee Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaallo-madaxda Gobalka J/hoose ee Kismaayo. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale. Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Guriga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne-ku-xigeenka Labaad ee Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaallo-madaxda Gobalka J/hoose ee Kismaayo.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Guriga Martida ee magaalladda Kismaayo kulamo gaar-gaar ah kula leeyahay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda oo ay isla eegayaan Ajendayaasha horyaalla Shirka  Golaha Wada Tashiga Qaranka oo lagu wado inuu ka furmo Kismaayo.

Warar aynu ka soo xiganay ilo muhiim ah oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay inuu Shirkaasi furmi doono berri subax, iyadoo ay dhamaan Ergooyinka ku wada sugan yihiin Kismaayo.

Dib-u-dhigistaasi  ayaa lagu sheegay in looga dan leeyahay sidi iay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda u yeelan lahaayeen Shirar La-tashi ah oo lagu mideynayo Aragtiyaha ku aadan Ajendayaasha ugu muhiimsan ee lagu  lafaguri doono Shirkaasi.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha ayaa ku kala qeybsan Nidaamka ay u dhici doonto Doorashooyinka Qaranka iyo Qaabka Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka.

©Radio Dalsan      

Latest stories