HomeWararProf. Jawaari oo si heer sare loogu soo dhaweeyey Kismaayo.

Prof. Jawaari oo si heer sare loogu soo dhaweeyey Kismaayo.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka u metella madatasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo horey u joogay magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay soo dhaweynta garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yimaado markii ugu horeysay magaalada Kismaayo islamarkaana hada ay xubinta ugu muhiimsan ee wafdiga imaanaya waxaana uu xusay in u jeeddada uu u yimid ay tahay ka qeybgalka Shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016 dalka ka dhacaya oo dhowaan ka furmi doona magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa ka mahad celiyey sida quruxda badneyd ee lasoo dhaweeyey wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in Shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee ka furmi doona Kismaayo ay ka soo baxaan qodobbo dhaxalgal u ah umadda Soomaaliyeed, kaasi oo loogu magac dari doono go’aankii Kismaayo.

JAWAARI 2 JAWAARI 4 JAWAARI 3 JAWAARI 6 JAWAARI002 JAWAARI8 JAWAARI7

=Dhamaad=

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka, Kismaayo

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories