HomeWararDaacishta Libya oo Farriin Cod u soo dirtay xubnaha Daacish ee ku...

Daacishta Libya oo Farriin Cod u soo dirtay xubnaha Daacish ee ku sugan gudaha Somalia.

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Rag u muuqday inay yihiin Somali ka tirsan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan magaalladda Sirta ee Bartamaha Libya ayaa soo diray Farriin Muuqaal ah oo ay kula hadlayaan xubnaha taageeray Daacish ee ku sugan Somalia iyo weliba Xarakadda Alshabaab. Muuqaalka Video-ga oo Cinwaan looga dhigay: “Farriin ku socota Walaalaheena ku sugan gudaha Somalia” ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Rag u muuqday inay yihiin Somali ka tirsan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan magaalladda Sirta ee Bartamaha Libya ayaa soo diray Farriin Muuqaal ah oo ay kula hadlayaan xubnaha taageeray Daacish ee ku sugan Somalia iyo weliba Xarakadda Alshabaab.

Muuqaalka Video-ga oo Cinwaan looga dhigay: “Farriin ku socota Walaalaheena ku sugan gudaha Somalia” ayaa lagu soo duubay Luqadaha Soomaaliga iyo Englishka, waxaana dadka Soomaalida loogu baaqay  inay ku biiraan Tiradda Yar ee Kooxda Daacish ee ka go’ay Alshabaab, waa sida hadalka loo yiri.

- Advertisement -

Dagaalyahanka ku hadlay Luqadda Englishka oo magaciisa ku soo koobay Sayfaldiin Alsoomaali waxa uu yiri:- “Mujaahidiinta ku sugan Somalia, Mujaahidiinta Taageeradda siiyey Dowladda islaamka ee Daacish, waxaan idin leenahay Hambalyo, Ilaahay dartiisa ayaan idiin jecel nahay”.

Ninka Farriinta soo duubay o oku hadlayey English Fasiix ah waxa uu ugu baaqay xubnaha taageeray Daacish inay had iyo jeer noqdoon kuwo xoog leh, oo aqoonsada inuu Rabbi la jiro.

Sayfaldiin Alsoomaali waxa kaloo uu la hadlay Mujaahidiinta Alshabaab, oo uu ku booriyey inay ku soo biiraan Daacish, isagoo sheegay inay ka haraan  Hoggaamiyayaashooda aan Caaqilka ahayn, waa sida uu hadalka u yrii.

- Advertisement -

Dagaalyahanka kale oo magaciisa ku soo koobay Abu Qudaamah Alsomali ayaa isagana Farriintaasi ku baahiyey Luqadda Soomaaliga.

Muuqaalka Video-ga ee ay Kooxda Daacish maanta baahiyeen waxaa ka muuqda 10 nin oo u muuqaal eg Soomaali, kuwaasi oo hoos fadhiya geed weyn oo ku yaalla magaalladda Sirta ee Bartamaha dalka Libya.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Kooxda Daacish soo diraan Muuqaal Video ah oo ay ugu baaqaan Xarakadda Alshabaab inay ka soo go’aan Ururka Alqaacida.

Dhowr bilood ka hor, Koox yar oo ka tirsanayd Alshabaab ayaa soo saaray Muuqaal Video oo ay ku sheegteen inay ku biireen Kooxda Daacish, inkastoo ay Hoggaamiyayaasha Alshabaab ku hanjabeen inay surka ka goyn doonaan qofkii ay ku helaan inuu ku biiray Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.

LIBYA ISIS 1 LIBYA ISIS 3 LIBYA ISIS 4 LIBYA ISIS 8 LIBYA ISIS2 LIBYA ISIS 7 LIBYA ISIS 6 LIBYA ISIS9 LIBYA ISIS5 LIBYA ISIS2

Xigasho: Daily Mail

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts