HomeWararFuritaanka Shirka Wada-tashiga Qaranka ee Kismaayo oo maanta dib u dhacay

Furitaanka Shirka Wada-tashiga Qaranka ee Kismaayo oo maanta dib u dhacay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxda Maamul-gobaleedka Jubbaland ayaa shaaciyey inuu hakad ku yimid  Shirka Wada-tashiga Qaranka ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalladda Kismaayo. Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay inay weli maqan yihiin qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galayo Shirkaasi. Wasiirka oo saakayto la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda […]

- Advertisement -

Madaxda Maamul-gobaleedka Jubbaland ayaa shaaciyey inuu hakad ku yimid  Shirka Wada-tashiga Qaranka ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalladda Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay inay weli maqan yihiin qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galayo Shirkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka oo saakayto la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa sheegay in la sugayo qaar ka mid ah Ergooyinka oo lagu wado inay ilaa galabta soo gaaraan Kismaayo.

Magaalladda Kismaayo waxaa ku sugan Ergooyin Calami ah oo ka qeyb galayo Shirka Wada-tashiga Qaranka ee ka furmayo Kismaayo, kaasi oo ay Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda kaga wada hadli doonaan Hannaanka Mideysan ee lagu qaban doono Doorashooyinka Qaranka ee dhici doona bisha September ee sannadkan.

Dhinaca kale, Ergooyinka haatan ku sugan Kismaayo ayaa waxay leeyihiin Shirar Hordhac ah oo ay si gaar-gaar ah isku arkayaan, si ay u xaliyaan Khialaaf hoosaadyo weli ka taagan Aragtida Nidaamka ay u dhici doonaan Doorashooyinka.

- Advertisement -

©Radio Dalsan      

Latest stories