HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sababihii Xiriirka Diplomaasiyadeed loogu jaray Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sababihii Xiriirka Diplomaasiyadeed loogu jaray Dowladda Iiraan.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jartey.

“Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka dacaayadaha ah ee sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartey IIraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.

“Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xiriirka ugu jarney Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo mad-habta Shiicada ku faafinayey Soomaaliya. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen. Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’.

—DHAMMAAD—-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories