HomeWararMadaxweynaha oo ka soo laabtey Boosaaso

Madaxweynaha oo ka soo laabtey Boosaaso

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Boosaaso ka qeybgaley furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, munaasabadda sannad guuradii 2-aad ee ka soo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Boosaaso ka qeybgaley furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, munaasabadda sannad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamul Goboleedka Puntland uu qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas iyo kulamo kale oo muhiim ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boosaaso kula kulmay madaxda Puntland, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada, salaadiinta iyo siyaasiyiinta oo ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa intaanu ka soo ambabixin Boosaaso kormeer ku tegay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika, halkaas oo uu kula hadley ardeyda, macallimiinta iyo madaxda jaamacadda.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

m4 m3 m2 m5

©Radio Dalsan         

Latest stories