HomeWararGuddoomiyaha Degmadda Shibis oo faahfaahiyey qarax ka dhacay Maanabolyo.

Guddoomiyaha Degmadda Shibis oo faahfaahiyey qarax ka dhacay Maanabolyo.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay inay labo qof ku dhaawacantay qarax ka dhashay gaari uu watay Muwaadin Soomaali ah oo ka shaqeeya Dekedda magaalladda Muqdisho. Guddoomiyaha oo Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in Ninkii watay gaariga iyo nin jidka marayey ku dhaawacmeen qarxaasi oo dayaankiisa laga maqlay inta badan magaalladda Muqdish, wuxuuna […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay inay labo qof ku dhaawacantay qarax ka dhashay gaari uu watay Muwaadin Soomaali ah oo ka shaqeeya Dekedda magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in Ninkii watay gaariga iyo nin jidka marayey ku dhaawacmeen qarxaasi oo dayaankiisa laga maqlay inta badan magaalladda Muqdish, wuxuuna dadka Reer Shibis ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Ammaanka, kana hortagaan Kooxaha maleega Qaraxyadda..

- Advertisement -

Ciiddamo iyo Gaadiidka Gurmadka ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo Labada qof ee ku dhawaacmay qaraxaasi la dhigay mid ka mid ah Isbitaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu qaraxaasi wada gubay gaariga, isla markaan uu burbur u geystay goobo ganacsi oo ku yaallay halka uu qaraxu ka dhacay.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa bilaabay baaritaan la xiriira Dembiilayaasha ka dambeyey qaraxa lagu soo xiray gaarigaas.

- Advertisement -

Q4

©Radio Dalsan       

Latest stories