HomeWararUrurka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Siideynta Weriye Cabdirisaq Siiriya

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Siideynta Weriye Cabdirisaq Siiriya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ talaabada ciidamada Nabadsugidda Qaranku xorriyadiisa dib ugu celiyeen Weriye Cabdirisaq Cumar Siiriya oo muddo saddex todobaad ka badan ugu xirnaa Xabsiga Tuhumo la xiriira arrimo amni, sida ay NUSOJ u sheegtay hay’adda Nabadsugida masuuliyiin ka tirsan. Cabdirisaq Cumar Siiriya oo u shaqeeya shabakadda Xogmaail.com ayaa la xiray 17 December […]

- Advertisement -

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ talaabada ciidamada Nabadsugidda Qaranku xorriyadiisa dib ugu celiyeen Weriye Cabdirisaq Cumar Siiriya oo muddo saddex todobaad ka badan ugu xirnaa Xabsiga Tuhumo la xiriira arrimo amni, sida ay NUSOJ u sheegtay hay’adda Nabadsugida masuuliyiin ka tirsan.

ABDIRISAK SYRIACabdirisaq Cumar Siiriya oo u shaqeeya shabakadda Xogmaail.com ayaa la xiray 17 December 2015, iyadoo intii uu xabsiga ku jireyna uu ku xanuunsayay. Cabdirisaq ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmay, hay’aduna ay geysay isbitaal si xanuunkiisa wax looga qabto.

- Advertisement -

Weriyaha ayaa waxaa damaanad lagu siiyay Aabihiis Cumar Axmed, iyadoo damaanadaas goob joog ka ahaayeen Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim iyo Xoghayaha Maaliyadda Ururka, Cabdirashid Deyl.

“Waxaan ku ku faraxsanahay in saaxbkeena Cabdirisaq xorriyaddiisa uu dib u helo muddo 23 cisho oo uu xabsiga ku jiray, waxaana Alle uga baryeynaa in caafimaad deg deg ah uu siiyo.” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim ayaa intaa ku daray, in muwaadinka la dacweyn karo, waxna uu dacweysan karo, uuna ku kalsoon sarreynta sharciga.”

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa uga mahadceliyey Wasaarada warfaafinta, Wasaarada Xuquuqda Aadanaha iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay sidii weriye Cabdirisaq xorriyadiisa dib ugu heli lahaa,iyadoo ururkuna uga mahadceliyay sidoo kale Hay’adda nabadsugidda Qaranka sida wanaagsan ee ay uga jawaabtay codsiga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku aaddanaa ee Cabdirisaq xorriyadiisa dib u helo.

- Advertisement -

Weriyaha waxaa la sii daayey maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, oo ay taariikhdu ahayd  7-da Janaayo.

©Radio Dalsan           

Latest stories