HomeWararTahriibayaal Somali ku sii jeeday Maraykanka oo lagu qabtay dalka Costa Rica.

Tahriibayaal Somali ku sii jeeday Maraykanka oo lagu qabtay dalka Costa Rica.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Boliska dalka Costa Rica ayaa sheegay inay shalay qabteen 5 Tahroobayaal Soomaali ah, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Ambalaas ah meel ku dhow Xudduudka uu dalkaasi la wadaago dalka Nicaragua ee Bartamaha Qaaradda Amerika.

Boliska waxay sheegeen inay Soomaalidaasi ku qabteen Waaberigii shalay  Degmadda Peñas Blancas de la Cruz oo ku taalla xuduuka, kadib, markii la joojiyey Ambalaaska oo ay wadeen Labo nin oo u dhashay dalka Kosta Riika oo aan haysnanin Laysinka Dareewalnimadda.

TAHRIIBAYAAL

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Ammaanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la xiray Labadii nin oo waday gaariga, kuwaasi oo aan haysanin Laysinka Dareewalnimadda.

Bishii hore ee Deember 30-dii ayey ahayd, markii ay Boliska Costa Rica qabteen 45 Tahriibayaal shisheeye ah oo 9 ka mid Soomaali ahaayeen, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Xamuul ah.

Tahriibayaashaasi waxay qorsheynayeen inay u gudbaan dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories