HomeWararDhacdo Naxdin Leh oo ka dhacday Wajeer: Nin xaaskiisa Toorerey ka geliyey...

Dhacdo Naxdin Leh oo ka dhacday Wajeer: Nin xaaskiisa Toorerey ka geliyey dhabanka.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Lammaane lagu kala magacaabo Maxamed-deeq iyo Fatumo Ibraahim oo ku wada noolaa Deegaanka Khorof Harar ee Degmadda Wajeer ayaa lagu soo waramay inuu xalay dhex maray muran ugu dambeyntii sababay inuu Ninkii Tooreey dhabanka ka geliyo Xaaskiisa oo 4 carruur u dhashay. Nin la dhashay Eedeysanaha ayaa isku hawlay inuu Lammaanaha dhexdhexaadiyo ka hor inta […]

- Advertisement -

Lammaane lagu kala magacaabo Maxamed-deeq iyo Fatumo Ibraahim oo ku wada noolaa Deegaanka Khorof Harar ee Degmadda Wajeer ayaa lagu soo waramay inuu xalay dhex maray muran ugu dambeyntii sababay inuu Ninkii Tooreey dhabanka ka geliyo Xaaskiisa oo 4 carruur u dhashay.

Nin la dhashay Eedeysanaha ayaa isku hawlay inuu Lammaanaha dhexdhexaadiyo ka hor inta aan la dooxin Haweeneyda, balse waxaa dhacay falka Tooreynta.

- Advertisement -

Waxa uu cararay Saldhigga Boliska si loo caawiyo, waxaana la soo siiyey Gaari Ambalaas iyo Ciiddan, kuwaasi oo haweeneydii dhaawaca ahayd ula soo cararay Isbitaalka Guud ee Wajeer.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Wajeer wey ku guuleysan waayeen inay Haweeneyda ka saaraan Tooreyda laga dusiyey Dhabankeeda, waxayna sheegeen in Tooreyda xubno khatar ah dhex taallo,sida laga dheehan karo Raajada (X-Ray)-da la saaray.

Haweeneyda Dhibanaha oo 32 jir ayaa la qorsheynayaa in loo soo duuliyo Nairobi, si ay Dhakhaatiirta Isbitaalka Kenyatta National Hospital wax uga qabtaan dhaawaceeda oo ay Dhakhaatiirta Wajeer ku tilmaameen mid halis gelin kara nolosheeda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boliska Wajeer Galbeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka sida xun u dhaawacay Xaaskiisa, waxaana la filayaa in berrito la soo maxkamadeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Falka noocaasi ayaa u muuqda mid laga argagaxo, waxaana habboon inay ragga u samraan Xaasaska, oo aan lagula kicin falal wax u dhimayo Noloshooda, laguna muteysan karo Ciqaab Adduun iyo mid Aakhiro.

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan 

Xigasho: The Star

Latest stories