HomeWararBoqorka Sacuudiga oo Danjiraha Somalia ka guddoomay Warqadihii Aqoonsiga Danjirenimo.

Boqorka Sacuudiga oo Danjiraha Somalia ka guddoomay Warqadihii Aqoonsiga Danjirenimo.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

  Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu Xafiiskiisa ku yaalla Qasriga Boqortooyadda Yamaamah ee magaalladda Riyadh ku qaabilay 21 Danjirayaal cusub, oo uu ka guddoomay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo. Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah Danjirayaasha laga guddoomay Warqadaha loogu soo magacaabay Xilkaasi. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu Xafiiskiisa ku yaalla Qasriga Boqortooyadda Yamaamah ee magaalladda Riyadh ku qaabilay 21 Danjirayaal cusub, oo uu ka guddoomay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo.

- Advertisement -

Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah Danjirayaasha laga guddoomay Warqadaha loogu soo magacaabay Xilkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Boqorka Sacuudiga kaga mahadceliyey Danjirayaasha uu qaabilay Taageeradda ay Dowladahooda u muujiyeen Dagaalka ka dhanka ah Kooxha loogu yeero Argagixisadda.

Boqorka Sacuudiga waxa uu Danjireyaasha ka codsaday inay Madaxdooda ka gaarsiiyaan Salaan iyo Mahadcelin.

- Advertisement -

Danjiraha Dowladda Kenya u jooga Sacuudiga, Maxamed Cabdi Maxamed oo ku hadlay Magaca Safiiradda Cusub ee uu Boqorka Sacuudiga qaabilay ayaa sheegay inuu Sacuudigu yahay dal Nabad ah, isla markaana ay ku yaallaan Labada Xaram ee ugu muhiimsan in lagu cibaadaysto.

Ambasaador Dahir Mohamoud Gelle danjirayaal0000

safiirka kenya safiirka Liberia safiirka Tanzania danjirayaal 2

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts