HomeWararBaarayaal Caafimaad oo warbixin ka soo saaray geerida Wiil Somali-Maraykan laga soo...

Baarayaal Caafimaad oo warbixin ka soo saaray geerida Wiil Somali-Maraykan laga soo tuuray dhismo dabaqyo ah.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Koox Baarayaal Caafimaad ayaa soo gebagebeeyey baaritaan ay ku hayeen maydka wiil Somali oo la oran jirey Xamsa Warsame,  kaasi oo bishii hore laga soo tuuray dhismo 6 dabaq ahaa.

Baarayaasha oo ka socday Xafiiska Baaritaanka Caafimaadka ee The King County ayaa shaaciyey inuu Marxuumka uu u geeriyooday dhaawacyo sababay isagoo si kedis ah uga soo dhacay Balakoonka Dabaqa Lixaad ee Dugsiga Sare ee K/bari ee magaalladda Seattle.

Baaritaankan ayaa waxa uu ka hor imaanayaa warar horey u sheegay in Xamsa Warsame  ay Arday kale oo Maraykan ah oo ay isla joogeen ka soo tureen Dabaqa.

Dhinaca kale, Ikraam Warsame oo la dhalatay Marxuumka ayaa sheegtay inay Boliska la kulmeen oo ay u soo gudbiyeen Baaritaanka lagu sameeyey maydka Marxuumka.

Ikram Warsame oo dhigata Jamaacadda Univeersity of Washington waxay kaloo sheegtay inay Boliska ka heleen Warbixino badan oo ay ku jiraan kuwo loo baahan yahay in laga bixiyo faahfaahino dheeraad.

Geerida Xamsa Warsme ayaa timid saddex maalmood kadib, markii ay Toogashadda ka dhacday magaalladda San Bernardino ee Gobalka Kaliforniya, waxayna Toogashadaasi abuurtay in nacayb loo qaado  Muslimka ku nool Maraykanka.

rainer school1

©Radio Dalsan

Source: Seattle Times

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories